Shar ma leh ee ha shareysan Siyaasigaa isaga ah!!!!.

Xiita xiiro iyo Iriguul (FS: 1& 2aad) Labaduba Shar male haddana Dadka Miyigu ma jeclo, weliba faa’iidadooda waxaa Ka mid ah in ey Habeenkii qeyliyaan marku dugaag xoog lehi Soo galo Arladda, ma ahan in ey Adiga kuu digayaan oo kaliya ee Ukumankooda oo dhulka Ka yaal ayeey Ka fogeynayaan dugaaga. Waad ogtahay, xiito xiito Geed ma korto sababta oo ah malahan Farta ama Cidida gadaale oo ey Ku qabsan karto Geedka, Labada farood ee horena ma celiyaan.(F.S: 3aad)

7 da Bah yaduumeed.

Waxaa kale oo jiraa ” 7 da Bah yaduumeed” oo markii ey kaaga Soo hor baxaan Miyiga oo ey Ku fiiriyaan aad Galiilyoonee – jiririco – yaduumoonee, Adiga oo weliba og in eynan wax dhib ah kuu geeysan Karin, Sida Gabsasta & Guumeeysta ( 4& 5aad).

Su’aal.

Su’aal: Shanta kale Adigaan kuu dhaafay noo sheeg?

Su’aal: Ma jiraan Siyaasiyiin aad ogtahay in eyna waxba u dhibeeyn siyaasadda Haddii ey Ku jiraan, Laakin siyaasadu yaduumoonee, Bacaaw?.

Qore: Yahya Amir