Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 25- Bishaan June duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Kunya-barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Dhinaca kale  war lagu qoray Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas uu Mareykan la beegsaday,isla markaana uu ku dilay Nin Ganacsade caan ka ahaa Shabeellaha Hoose,kaas oo Magaciisa lagu sheegay Aboow Cali Waardiyoow.