Xisbiyadda siyaasadda oo hambalyo iyo baaq muhiim ah ka soo saaray 26ka June

Dhamaan Madaxda Iyo Xubnaha XisbiyadaSiyaasadaDalka Soomaaliya ayaa si Wada Jir Ah Hambalyo Iyo Boogaadin Ku Aadan Sanad Guurada59-Aad Ee26,da Jun U Diray Dadka Soomaaliyeed MeelKasto o Ay Ku NoolYihiin Gaar Ahaan Dadka Ka Soo Jeeda Gobolada Woqooyi Galbeed Ee Soomaaliya Halkaasoo Abid Markii Ugu Horeysay Ciida Soomaaliya LagaTaagay Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya Oo MadaxBanaan Dadkaasina  Ay Yihiin Dad Xuriyada Iyo Wada Jirka Umada Soomaaliyeed Halgan Dheer U Soo Galay Maantana Aysan La’aantood Soomaaliya Jiritaankeedu Aysan Wax Ku OolAheyn.

Xisbiyada Siyaasada Dalka Soomaaliya Ayaa Si Wada Jir Ah Waxa Ay Ugu Booriyeen Dhinacyada Siyaasada Soomaaliya Iyo Somaliland In Ay Ka Mira Dhaliyaan Wada Hadalada Iyo Is AfGaradka Ka BilaabanLahaaMagaalada Nairobi.

Ugu Dambeyntii Xisbiyada Siyaasada Ayaa Dadka Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa ku gaaraan horumar iyo midnimo, waxayna dhinacyada siyaasada ee dowlada Soomaaliya ugu baaqeen in si deganaansho,wada hadal iyo tanaasul ku jiro loo xaliyo khilaafaadka ka jira Maamul Goboleedyada Gal-Mudug iyo Hir-shabeele lana joojiyo wararka bulshada Sii kala fogeenayo.