Dhiigkarka (Hypertention) = Cadaadiska Dhiiga

Dhiig-karku waa xaallada uu cadaadiska dhiigu uu ku hayo gidaarada halbawlayaashu uu sareeyo taas oo ugu dambaynta ku keenaysa wadno xanuun ama faalig.

Waad lahaan kartaa dhiigkarka mudo sanado ah isagoo aan astaamihiisu welli muuqan ama wax dhibaato ah ku keenin xididada dhiiga, iyadoo la xaqiijiyay inaad dhiigkar leedahay, laakiin dhibaatadiisu kaama dheera hadii aanad dhakhtar la xidhiidhin si uu kaaga caawiya nidaamka loo dejiya cadaadiska dhiiga.

ASTAAAMAHA LAGU GARTO.

• Dadka intooda badani ma yeeshaan wax astaamo ah iyadoo marka cadaadiska dhiiga laga cabiro, uu cabirka dhiigoodu aad u sareeyo taas oo ku tusaysa in cadaadiska dhiigu uu heer khatar ah marayo.

• Dad aad u yar waxa ay isku arkaan , madax-xanuun, neefsiga oo yaraada iyo sanka oo uu dhiig ka yimaado( inay gororaan) laakiin astaamahani waa kuwo aan caan ahayn badanaa wax la arkaa marka uu dhiig-karku gaadho xaallad nolosha khatar gellinaysa.

MAXAA SABABA ?

Waxa sababa dhiigkarka laba xaalladood oo kalla ah :-
1. xaallada koobaad :- waa xaallada aan la garanayn waxa sababay xanuunkan, waxanay ku badan tahay dadka waawayn, waxaanu ku soo ifbaxaa mudo qaadanaysa illaa sanado ,iyadoo cadaadiska dhiigu aayar aayar kor ugu kacayo.
2. xaallada labaad:- waxa xanuunka sababaya dhibaatooyin caafimaad oo qofka soo wajahay sida:- kelyo xanuun, buro ka soo baxda qanjidka adriinalka ee kelida ku yaalla, dhibaato ku timaada qanjidhka tayroodhka ee ku yaalla cunaha, daawooyinka qaar sida kuwa dhalmada joojiya, kuwa cabudhka yareeya , daawooyinka xanuunka biiya iyo isticmaallka daroogooyinka sida kooka,iinta.

MAXAA KHATAR KUU GELLIN KARA ?

1. Da”da qofka oo waynaata.
2. qoyskiina oo xanuunku caan ka yahay.
3. miisankaaga oo badan.
4. qofka oo aan jimicsi badan samayn.
5. isticmaalka milix farabadan.
6. isticmaalka tubaakada sida qiijinta sigaarka.
7. cabitaanka khamro badan( khamriga).
8. cadhada faraha badan ama wer-werka badan .
9. qofka oo leh xanuunada ay ka mid yihiin macaanka iyo kelyo xanuunka.

DHIBAATOOYINKA KA DHALANKARA HADII AAN LA ILLAALIN HEERKA DHIIGA.

• Wadnaha oo si kadis ah u istaaga.
• Faallig (waa qofka oo gacan iyo lug isku dhinac ah qallalaan( shaqada joojiyaan).)
• Garaadka qofka oo hoos u dhaca( maaddaamo oo dhiigkarku qarxinayo xididada yar yar ee maskaxda quudiya).
• Xusuusta qof ka oo liidata ama fahankiisa.
• Araga qofka oo hoos u dhaca.

FIIRO-GAAR AH

La wadaag fariintan caafimaad si ay uu gaadho dadka aadka ugu baahan fariintan, kuna soo biir boga, si aad u hesho xogo caafimaadka ku saabsan.
mahadsanid.

Dr Mukhtaar Naasir

Dhiigkarka( Hypertention).dhiig-karku waa xaallada uu cadaadiska dhiigu uu ku hayo gidaarada halbawlayaashu uu sareeyo…

Posted by Dr Mukhtaar Naasir on Wednesday, June 26, 2019