DFS oo faah faahisay Xayiraada laga qaaday Xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin Guud ka bixisay dadaalka ay ku bixisay in la qaado xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Sucuudiga,Xayiraadaas oo mudo Sacuudiga uu saaray.

Wasiirka Xanaanada xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in markii ugu horeysay Istiraatijiyad lagu shaqeeyo mudo 10 sano ah oo soo socota taas oo ku aadan horumarinta iyo dhoofinta Xoolaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sharaxad guud waxa uu ka bixiyay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliya ku bixisay xayiraada looga qaadi lahaa xoolaha loo dhoofiyo Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo xiriir wanaagsan ee dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya sanadaha soo socda la kordhin doono.