Kulanka wada-tashiga Duubabka Dhaqanka iyo Ururada Bulshada rayidka ee Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Dallada ururada aan dawliga aheyn ee Soomaaliyeed (SONSA) waxay kulan u qabatay duubabka, bulshada rayidka, hogaamiyaasha dhaqanka iyo haweenka si looga wadahadlo hannaankii dib loogu soo nooleyn lahaa wadahadaladii nabada ee Soomaaliya iyo Somaaliland ayada oo door laga siinayo hoggaamiyayaasha bulshada iyo ururada bulshada rayidka ah. Kulankaas oo ka dhacay Huteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Dhammaan ka-qeybgalayaashu waxay garawsadeen muhiimada ay leedahay dib-usoo nooleynta wadahadalka iyo isu keenida bulshada walaalalaha ah.

Arrimaha laga hadlay waxay ahaayeen in dib la isu weydiiyay waxyaabaha aasaaska u ahaa khilaafaadka iyo kala fogaanshaha aakhirkiina keenay in uu yimaado gooni isu taaga Soomaaliland; caqabadaha hortaagan in dib loo bilaabo wadahadalka iyo geedi socodka nabada; doorka dhaqanka & ururrada bulshada rayidka ah iyo hanaanka ugu haboon ee dib loogu bilaabi karo wadahadalada.

Talo soojeedin: Dood dheer kadib, duubabka, salaadiinta, ururada bulshada rayidka ah iyo haweenka waxay dawlada Soomaaliyeed & bulsha weynta u soo jeedinayaan in culeyska la saaro soo nooleynta wadahadalka Soomaaliya & Soomaaliland iyo fulinta qodobadan soo socda:

1. In Koonfurta laga sameeyo wada heshiisiin dhab ah oo taabo gasha si cod mideysan loogula hadli karo Soomaaliland
2. Abuurida guddi hawleed ka shaqeeya arrimaha dib u soo nooleynta wadahadalka & dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Soomaaliland
3. In la xoojiyo oo muhimad gaar ah la siiyo doorka duubabka iyo salaadiinta labada dhinac si ay xiriir wadahadal yeeshaan oo ay dawladuna taageerto
4. In duubabka dhaqanka, ururada bulshada, haweenka iyo ganacsatada labada dhinac bilaabaan wadahadal, yeeshaana culeys saar siyaasadeed
5. Xoojinta & taabagelinta doorka haweenka labada dhinac maadaama haweenku yihiin duntii/luquntii labada dhinac isu heysay.
6. In shir wadatashi ah ay ka yeeshaan dowlada federalka iyo salaadiinta iyo ururada bulshada rayidka sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii dowlada federalka iyo Somali land.
7. In dawlada Soomaaliyeed aanay shuruud ku xirin arrimaha samafalka & horumarinta Soomaaliland ayna fasaxaan haddii ay jiraan waxyaabo horaan u hakadeyn
Gabagabo: Dallada ururada bulshada rayidka ah waxay u mahadcelinaysaa dhammaan duubabka, salaadiinta, cuqaasha, ururada bulshada,haweenka iyo saxaafada ayada bogaadinaysa doorkooda ka warheynta arrimaha bulshada iyo muujinta doorkooda.