Madaxweyne Xaaf oo qoraal layaab leh ka soo saaray heshiiskii Ahlu Sunna una gacan haatiyay Villa Somalia (Akhriso)

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu xalay ku hoyday magaalada Godinlabe isagoo safar dhulka ah ku socda, waxaana saakay la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa isaga tegay magaalada Dhuusamareeb kaddib markii halkaasi ay gaareen ciidamada gaarka ah ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoona soo saaray qoraal lala yaabay oo ku saabsan burburka ku yimid heshiiskii maamulka Ahlu Sunna ay kula galeen dalka Jabuuti.

Qoraalka ayuu ku sheegay inay burbureen gebi ahaanba heshiiska uu la galay Ahlu Sunna, isagoona ku eedeeyeen kooxdaan inay ku caan baxeen sedbursi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dhammaatay kala aragti duwanaanshihii u dhaxeysay maamulkiisa Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo laga soo doorto degaanada Galmudug iyo waliba saraakiil ciidan ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda uu halkaasi gaaro Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo guud ahaan xaaladda Galmudug wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

Jabriil M. Nor (Jabra)
E-mail: saxafi37@gmail.com