Madaxda X.K.K. Soomaaliya oo ka qeyb gashay  Shirwaynaha  Heer doorasho ee FIBA Afrika iyo Zone 5 laba xil  oo heer Zone ah loo doortay+Sawirro

 Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani iyo Xiriirayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga iyo Hey’adaha Caalamiga Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa ka qeyb galay Shiweynihi 17-aad ee Xiriirka kubadda Koleyga qaaradda  Afrika kaasoo lagu dooranaya hogaanka cusub ee  kubadda Koleyga Qaaradda Afrika  ee afarta sano ee soo socota iyo hogaamiyaasha    heer Zone ee qaaradda  kaasoo ka dhacay magaalada  Bamako ee dalka Mali.

Anibal Aurelio Manave oo u dhashay dalka  Mozambique ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee  2019- 2023 hogaanmin  doona Xiriirka kubadda Koleyga qaaradda Afrika, isagoo xilka kala wareegay  guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay Hamane Niang oo aan la tartamin.

 Natiijadan ayaa ka dhigan in Manave uu noqonayo   guddoomiyihi shanaad ee  FIBA majaraha u hayn doona   mudada afarta sano ah, waxuuna ku biiri doona madaxda heer qaarad.

Sida  FIBA Oceania  Burton Shipley,  Sheikh Saud Ali Al Thani, oo dib loogu soo doortay madaxweyana  FIBA Asia, Turgay Demirel oo xilkiisa madaxweyaha  FIBA Europe sii heysan doona iyo madaxweyanaha cusub ee  FIBA Americas Carol Callan.

Dhanka kale waxaa magaala Bamako ka dhacay   shirweynaha heer Zone  oo lagu dooranayay   xubnaha, guddiyada iyo madaxda heer Zone, waxaana  Zone  5 oo ay Soomaaliya ku jirto  markale hogaanka loodoortay Hesham El Hariri oo dalka Masar u dhashay.

 Guddoomiyaha Xiriirka  Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa loo doortay Madaxa Mini Basket-ka  wadamada Zone5 , halka Injineer Baana Cabdalla Cali loo doortay   Madaxa Suuqgeynta Zone 5, waana guul  uu Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga   sare ugu qaaday maqaamka ay Maamulka isboortiga Soomaaliya  ku leeyahay  qaaradda Afrika.

Halkan ka aqriso madaxda  todobada Zone ee qaaradda Afrika

 Omar El Barshushi (FIBA Zone 1), Rokhaya Pouye(FIBA Africa Zone 2), Samuel Ahmedu (FIBA Africa zone 3), Juvenal Lufuma (FIBA Africa Zone 4), Hesham El Hariri(FIBA Africa zone 5), Paulo Madeira (FIBA Africa Zone 6) iyo  Abel Ntsay (FIBA Africa Zone 7) waxayna guddiga  Fullinta ee FIBa kula biirayaan  Agaasimaah  heer Zone  Alphonse Bile.

 Madaxweyanah la doortay ee xiriirka kubadda Koleyga qaaradda  Afrika  waxuu horay usoo noqday Cayaaryahan , macallin iyo Xeer ilaaliye, waxaa   1997 loo doortay guddoomiyaha Xiriirka kubadda koleyga  dalka Mozambique waxuuna xilkaasi hayay ilaa 2005,  sidoo kale waxaa 2017 loo doortay guddoomiyaha Olombikada dalka Mozambique.

 W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com