Waa warey-1:-Carabtu waxay Shidaal Soo saareysay 75 Sanno. Welina waa faqri”

Carabtu waxay Shidaal Soo saareysay 75 Sanno. Welina waa faqri” sida faqriga loo yaqaan”(F.S: 3aad)

Khaliifkii Cumar bin Cabdicasiis ayaa 2 Sanno iyo 5 Billood wareejinaya Zakada si uu u helo Qof Zako ku kacdo oo Ka qaadato.wuuna waayay.

Kadibna waxa uu yiri: Hadalkiisii Caanka ahaa: Qamadiga dhiga Buuraha dushooda si aan loo dhihin Shimbiro baahan ayaa jooga Wadamada Islaamka. (F.S: 2aad)

Taa waxaa lagu gaaray Cadaaladda Diinta oo Dadka lagu xakumay. Aayada Qur’aanka ayaa leh: Haddii Dadka aad u gar qaadeysaan Cadaalad Ku xakuma.

Ogoow: Haddaan qorshe jirin, mar kasta oo wax Soo Saarka Shidaalku bato waxaa bato Faqriga, tusaale waxaa kuugu filan wadama badan oo Afrikaan ah.

Annaga Saxiixyadu waa bateen, Faqri iyo colaad amaa laga dhaxlaa, Heshiisyada lala dhuumanayo amey dhib keenaan. Holland & New York. ( F.S: 1 & 4aad)

F.G: Shakhsi gaar ah kama hadalayo, wax Naga dhexeeyo oo Adiguba aad wax Ku leedahay oo dhumayo ayaa ii muuqdo.intaasaan Ku Soo koobayaa,yaanan sii badine.

Qore: Yahya Amir