Joonis Cadka ama Cagaarshowga B (hepatitis B)

Waa caabuq (infection) daran oo ku dhaca beerka, waxaana sababa fayraska joonis cadka, dadka qaar xanuunkani waxa uu ku noqdaa mid mudo badan beerka ku jira, waxa uu na badin karaa khatarta uu qofku ugu jiro in beerku shaqada gaabiyo ama xanuunka kansarka beerku ku dhaco.
In xanuunkan la iska tallaalo waa habka ugu fiican ee looga hortagi karo, maaddaama oo aanu wax dawo ah lahayn, qofka la nool xanuunkani waa inuu ka taxadaraa faafida xanuunkan isagoo raacaya tallooyinka uu dhakhtarku siiyo.

ASTAAMAHA LAGU GARTO

1. Boga oo qofka xanuuna.
2. Kaadida oo midabka madawga xigta.
3. Xumad.
4. Laabatooyinka oo qofka xanuuna.
5. Qofka oo cuntada si fiican u cunin ( abateet xumo)
6. Yalaalugo iyo matag( hunqaaco).
7. Awood daro iyo daall.
8. Midabka maqaarka( jidhka) oo huruud noqda iyo qaybta cad ee indhaha.

HABABKA LA ISKUGU GUDBIYO.

1. Xidhiidhka galmada aad la wadaagtid qof qaba xanuunkan.
2. Wadaagida irbadaha aad la wadaagtid qof qaba..
3. Hooyada uurka leh oou gudbisa ilmaha yar waqtiga dhalmada.

FADLAN LA WADAAG FARIINTAN CAAFIMAAD ASXAABTA adigoo sii SHARE garaynaya.