Drs. Maryan Qaasim oo ka digtay faafinta qoraal ay soo saartay mid ka mid ah Wasaaradaha DFS

Drs. Maryan Cariif Qaasim oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha gargaarka ayaa ka digtay faafinta warbixin ka soo baxday mid ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona ku talisay in dowladdu qaab kale u fuliso arrintaas oo saameyn ku yeelaneysa bulshada dhexdeeda.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay Drs. Maryan Qaasim in Wasaaradda caafimaadka si rasmi ah u shaacisay tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka kuwaasi oo tiradoodu gaarayo 11,000 qof.

“Arrintaan waa mid aad u qaafsan, waxaana loo baahan yahay inaanu ka aamusno, waxaana loo baahan yahay inaan dadka ku dhiirigelino inay raadsadaan daryeel” ayay tiri Drs. Maryan oo sheegtay in daawooyinka cudurka laga helo ilaa 14-xarumood.

Dhinaca kale tirakoobka dadka qaba cudurka AIDS-ka ee ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga duwan tirakoobka ay horay u soo saareen hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan cudurka AIDS-ka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNAIDS iyo WHO.