Ciidamada Dowladda oo Howlgallo xalay ka sameeyay xaafadaha Degmada Boondheere.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka sameeyay xaafadaha Tabeelaha Jaceelka,Ceelka Xaaji Haruur iyo meelo kale,isla markaana waxaa lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Qof kamid ah dhalinyaradii howlgalka lagu qabtay oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidamada goob barxad ah ay isugu geeyeen dadkii ay qabteen,iyagoona loo sheegay in Ujeedka loo soo qabtay uu yahay in ay is bartaan Ciidamada iyo dhalinyarada si ay isaga kaashadan sugidd amniga degmada Boondheere.

Ciidanka Booliska Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa markii dambe sii daayay dhammaan dadkii lagu qabtay howlgalkaas laga sameeyay gudaha degmadaas.

Dhanka kale ciidamada ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka Isticmaalaya Wadooyinka soo galaya iyo kuwa kabaxa Xaafadaha howlgalka uu ka socday.