Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug iyo kuwa nabadsugida dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagalkaan ayaa ka dambeeyay,kadib markii Sarkaal ka tirsan Galmudug uu isku dayay inuu xoog ku maro wado u xirneyd Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan,isla markaana waxaa bilowday dagaal xoogan.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa ku dhintay dagaalka,isla markaana waxaa ku dhaawacmay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka nabadsugida dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaray Gaalkacyo ayaa waxay ku waramayaan in haatan xaalada halkaas ka jirto ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas ah oo ka dhaceysa.