Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wasiirka iyo wafiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtaa sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo ay kala hadlayaan hanaanka ku saabsan doorashada Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in doorashada Galmudug ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isla markaana la qabto shirweyne dib u heshiisiineed, maadaama muddada xilheynta dastuuriga ee Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan.