Toos u daawo Sheekh Maxamed Idirs oo muxaadaro dhinacyo badan ka jeedinaya dalka Turkiga

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaaliya ayaa muxaadaro ka jeedinaya magaalada Ankara ee wadanka Turkiga, waxaana goob horay loogu sii diyaariyay soo xaadiray boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida halkaasi ku sugan.

Muxaadarada oo u badan mid diini ah, waxa uu Sheekh Idiris uga hadlayaa arkaanta Islaamka iyo qaabka loo gudanayo, isagoona uga hadlaya ummadaha Islaamka ah waxa waajibka ku ah diiniyan marka ay timaado ka qeyb qaadashada maamulka, horumarinta nolosha iyo ka dhowrsashada dunuubta nooc kasta oo ay tahay.

Sheekh Maxamed Idiris oo isagu inta badan muxaadarooyinka u jeediya Soomaalida degan dalalka caalamka, ayaa horay dhaliilo xoogan u jeediyay siyaasadda Soomaaliya, isagoona kabaha la dul maray kooxaha ka horjeeda Dowladda Federaalka, iyo shaqsiyaad qabqable dagaal ah.

Halkaan ka daawo