Masar oo wacdaro ka dhigay ciyaartii ugu horeysay ee tartanka qaramada Afrika

Xalay magaalada Qaahira ee wadanka Masar waxaa ka furmay tartanka qaramada Afrika, waxaana ciyaar xiiso leh dhex martay xulka marti gelinaya tartankaasi iyo ciyaartooyda dalka Zimbabwe, iyadoo labada koox ay soo bandhigeen ciyaaro adag oo la isku waayay daqiiqadihii hore.

Tartankaas oo ah midkii 24aad ee dhex mara kooxaha K/cagta qaaradda Afrika, ayaa xulka Masar uga qeyb gelayay ciyaartooy uu ka mid ahaa laacibka caanka ah ee Mohames Salah kaasi oo dhowr goor isku dayay inuu kubadda dusiyo shabaqada xulka Zimbabwe.

Mahmoud ‘Trezeguet’ Hassan ayaa dhaliyey goolka guusha ee xulka martida loo ahaa ee Egypt, kaddib markii kubbad farsameysan uu ku hubsaday shabaqa kooxda Zimbabwe, waxayna ciyaarta ku dhammaatay 1-0.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi iyo madax kale oo ka tirsan xiriirka K/Cagta qaaradda Afrika ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka tartankan.