Kulamo xasaasi ah oo ka socda Dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulamo ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo lagu xalinayo dhinacyada diidan doorashada maamulkaas ee dowladda dhexe ay dooneyso in la qabto bisha nasoo aadan.

Kulamada ayaaa u dhaxeeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kulamadaas hayeeshee majiro wali war rasmi ah oo kasoo baxay kulamadii ay xalay madaxda Galmudug iyo mas’uuliyiintii dowladda dhexe ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

Waxaa jira warar sheegaya in Macalin Maxamuud Sheikh Xasan oo ah Guddoomiyaha Culumada Ahlusunna uu ku qancay dalabka dowladda dhexe ee ah in doorasho lagu qabto deegaanada maamulka Galmuddug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxa xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir iyo Wasiirka amniga Saadaq Sheikh Yuusuf ayaa la sheegay in wali ay diidanyihiin in la ogolaado dalabka dowladda dhexe ee ah in doorasho ay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug.

Maanta ayaa lagu balansanyahay in kulamaddaas lasii wado iyadoo la filayo in waxii kasoo baxa kulamadaas warbaahinta loosoo bandhigo.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Galmudug ayaa sheegay in dowladdu ay dooneyso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo in ay ka dhigto deegaanada Galmudug.