Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay Caddaalad daro

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afraale oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay sameysay Caddaalad daro weyn, islamarkaana ay u kala eexatay gobolada Soomaaliya.

Xildhibaan ayaa sheegay in deeq dhan 42 Milyan oo Midowga Yurub ay bixiyeen in aan waxba laga soo gaarsiin degaanada maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana gobolo kale ay siisay dowladda dhexe.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay Caddaad daro ku heyso dadka kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana aan si wanaagsan loo siin deeqaha uu Caalamku bixiyo.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in ay la xisaabtami doonaan dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay soo dhicin doonaan xaqii maamulka Koonfur Galbeed.