Daawo: Beelaha Warsangali oo go’aamo kasoo saaray xalada siyasadeed ee gobalka Sanaag

Magaaladda Badhan ee gobalka Sanaag waxaa maalmihii ugu dambeyeey ka socday shir loga hadlayeey xaaladda gobalka sanaag iyo xoreynta gobalka. Shirkan waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee Beelaha Warsangali sida, waxgaradka, siyaasiyinta, Nabadoonada, dhalinyarada, Haweenka iyo bulshadda gobalka sanaag degta. ugu dambeyn shirkaas waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee gobalka Sanaag.

Hamid Maasheeye oo ah siyaasi qurbo joog ah oo aad iyo aad u soo dhaweeyey mowqifkaas waxaana uu yiri ”Hadaan nahay dhamaan dadka ku dhaqan laga bilaabo Lowya’aro illaa Gabiley (Gobalka Awdal iyo distriga Gabiley) waxaan taageersannahay baaqaa xaqa eey soo saareen salaadiinta beesha Warsangali eey ku cadeeyeen ineey Soomaali ka mid yidhiin, kana sugayaan dawlada Soomaaliyeed ee Muqdisho joogta ineey mawqifkeeda cadeeyso, oonay aamusnaan”.

Sida salaadiintu hadalka u dhigeen, anaguna waxan leenahay Madaxweene Farmaajo, Ra’isul wasaare Khayre iyo Baarlamanka Soomaaliyeed waa ineey mawqifkooda cadeeyaan,” ma gooni ugoosadkeey taageersanyihiin, mise midnimada Soomaaliyeed?”. Hadii midnimada Soomaaliyeed aay taageersanyihiin waa ineey soo dhaweeyaan cidkasta oo Soomaalinimada rabta, kii diidana aay la xaajoodaan.