Ciidamo Tababar heer sare leh oo Uganda u soo direysa Soomaaliya.

Ciidamo iyo Saraakiil Booliis oo tiradooda dhan tahay 160 Askari ayaa la filayaa inay Uganda u soo dirto dalka Soomaaliya dabayaaqadda bisha soo socota ee July.

Uganda ayaa Ciiddankaasi u tababarayey Hawlaha Nabad-ilaalinta muddo hal sanno ah, kaasi oo u bilowday bishii June 19-dii ee sannadkii hore, waxaana loo soo gebagebeyn doonaa berrito oo ay bisha june tahay 23-ka.

Tababarkaaasi waxay ku qaateen Dugsiga Tababarka Boliska ee Kabalye oo ku yaalla Degmadda Masindi ee Galbeedka dalkaasi.

Taliyee-xigeenka Boliska Uganda, Jeneral Sabniti Muzeeyi oo shalay la hadlay Ciiddankaasi waxa uu ku booriyey inay muujiyaan Asluub wanaagsan muddada ay Hawlgalka u joogi doonaan Somalia.

Dhinaca kale, Ciiddanka Boliska ee loo soo dirayo Somalia waxaa la sheegay in laga qaaday Imtixaano kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Dareewalnimo, qorista Warbixinada, Maareynta Amarka iyo Hawlgalladda.

Ciiddanka Boliska Uganada ee loo soo dirayo Somalia ayaa waxay qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka AMISOM, IYAGOO Boliska Somalia wada-shaqeyn kala yeelan doona Maareynta soo-celinta Amarka, Hawlgalladda Baaritaanka iyo Adeeg Badbaadin ah siiyaan Madaxda Sare ee Muhiimka ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Dowladda Uganda ciiddan Bolis ah u soo diraan Somalia, waxayna Boliskii ugu horreyey so odireen sannadkii 2012-kii.