Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh.

Wararka laga heleyso Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay uu dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan wuxuu ka dhacay deegaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalkaas,waxaana Ciidamada Xoogga dalka ay kula wareegeen deegaano hor leh oo hoostaga Magaalada Marka sida Goordhow ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhanka kale dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in Khasaaro uu ka dhashay dagaalka,kaasi oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay,in kastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.