VIDEO: Warbaahinta madaxa bannaan oo go’aano adag ka soo saartay khilaafka dowladaha Soomaaliya Kenya

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulankii ugu ballaarnaa oo ay isugu yimaadaan madax iyo weriyeyaal ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan kaasi looga hadlay arrimaha xasaasiga ah ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya kuna saabsan dacwadda badda ee hortaalla maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICJ.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay weriyeyaal Soomaaliyeed oo qurbaha ka yimid, ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda iyo xubno kale, iyadoo go’aanada laga soo saaray intooda badan ay yihiin kuwo looga jawaabayo warbaahinta dalka Kenya oo iyadu sababtay culeyska la saaray Soomaalida dalkaasi u safreysa.

Weriyeyaasha madaxa bannaan iyo xubnihii ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inaysan dhexdhexaad ka noqon karin qadiyadda Badda isla markaana ay difaaci doonaan dalkooda oo ay ku xadgudbayaan Keenyaatiga.

“In weriyeyaasha aysan dhexdhexaad ka noqon karin qadiyadda la xiriirta difaaca dalka” ayuu yiri Aweys Xaaji Nuur oo ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala TV-ga Goobjoog, iyadoo qodobada ay weriyeyaashu isla qaateen uu ka mid yahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay iska hubiyaan xaqiiqda wararka ay baahiyaan warbaahinta Kenya oo ay soo xigtaan inta badan.