Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Marka Cabdixakiin oo qeybiyey buugaagta manhajka dalka

Gudoomiyaha waxbarashada ee Degmada Marka, Koofur Galbeed Soomaakiya Cabdixakiin Cabdi Siidoow ayaa maanta Afar Goobood ee Waxbarasho oo ka mid ah Goobaha Waxbarashada Degmada Marka u qeybiyay Buugaagta Manhajka ee bilowgii sandkii hore ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Hidaha Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Munaasabadani lagu Qaybinayay Buugaagta waxaa Gudoomiyaha ku weheliyay Gudoomiye Ku-xigeenka Qorshaynta iyo dib-Udhiska Degmada Mark Saalim Xassan Buraale iyo Gudoomiyaha Haweenka Degmada Marka Muna Maxamed Subeer (Muna Gaaboow) ayagoo kala qeyb-qaatay howlahii Ardayda loogu qeybinayay Buugaagta Manhajka cusub.

Gudoomiye Cabdixakiin, oo ka hadlay munaasabadani ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo Buugaagta Manhajka Waxabarashada dhamaan Goobaha Waxbarasho ee Degmada Marka, wuxuuna kula dardaarmay Maamulayaasha iyo Macalimiinta Goobahaasi Waxbarasho in ay sii wadaan shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan wada-shaqaynta Macalimiinta iyo waalidiinta si loo hubiyo kobcinta garaadka iyo heerka aqoon ee Ardayda Degmada Marka.

Degamda Marka waxay kasoo kabanaysaa dagaalo ba’an oo mudo dheer ka socday iyadoo ay adeegyada asaasiga ah ee bulshadana ay si tartiib ah dib ugu soo laabanayaan.