Fadlan iiga Jawaab Su’aalahaan, Ciidamadii la dhihi jiray Libaaxyadii Afrika, Goormey curyaameen oo Deriskii Ku qoslay?

Odaygu Xalay xooga waa xanuunsanaa, ALLA mahadii Subaxaan aniga oo Ladan ayaan Soo toosay, intii aanan Sariirta Ka degin waxaan fiiriyay Akhbaarta Dalka, waxaa aan is weydiiyay Su’aalahan.

Fadlan intii aad iiga jawaabi karto iiga Jawaab, Lana kaasho sawirada.

1-Somalia Subaxaan, ma la isku tolayaa, Mise waa la Kala furfurayaa? ( F.S:1aad)

2- Dadka aan salaanta kula sii ordeyno suulkooda ma iska fiirinay? (F.S:2aad)

3- Ma cadaw been ah ayaan dileynaa, Mise Annagaa is dileyno? (F S: 3 & 4aad)

4- Ciidamadii la dhihi jiray Libaaxyadii Afrika, Goormey curyaameen oo Deriskii Ku qoslay?( F.S: 5 & 6aad)

5-Saxaafadda Halkii IL ee u hartay miyaa laga xirayaa, Mise tii kalaa loo furayaa?( F.S: 7aad)

6-kuriga ey Ku qoran tahay Dastuur, ma mid sida uu yahay loogu dhaqmaa, Mise Qofka ku fadhiisanayo ayaa Salkiisa lala ekeeysiiyaa?(F.S: 8aad)

7- Labada kursi ee Sawirka kaaga muuqato, waxaa Ku qoran President=Madaxweyne & PM = Ra’iisul wasaare, Qofka sadexaad ee Baarlamanku kursi la’aan miyuu iska daba ordayaa?( F.S: 9aad)

8- Somalia dhibta Kan ugu horeeyo ,miyaa dheefta ugu dambeeyo?( F.S: 10aad)

9- Wadamada Ajnabiga ah, in taladooda la qaato ma Ku khasbanahay, hadeeynan danta Dalka anfaceyn?(F.S: 11aad).

FG: Raali Ka ahaaw haddii khalad Ku jiro, wax jiif lagu qoray, jiijiid lagama waayo.Caafimaad ALLA Hana wada siiyo.

Ha hilmaamin,.Jawaabtii waan kaa sugaa, Sawirada iyo sadarada la kaasho?

Qore: Yahya Amir