Ciidamo Itoobbiyaan ah oo lagu qarxiyay Deegaanka Deynuunaay ee Gobalka Bay.

Baydhabo:-Wararka ka imaanaya Deegaanka Deynuunay oo ka tirsan Gobalka Bay ayaa sheegaya in qarax xoogan lagu lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay deegaankaasi.

Qaraxan oo ahaa mid ay jugtiisu aad u xoogan,islamarkaana laga maqlay Deegaanada Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobalka Bay ayaa dhaliyey Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii Ethiopian ka ahaa ee lala eegtay qaraxa.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Warbaahinta in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan itoobiya, waxaana la sheegay in khasaari lixaad leh la gaarisiiyay ciidankaasi.

Warbaahinta Al-Shabab ayaa waxaa lagu faafiyay in qaraxaasi lagu dlay 5 askari oo ka tirsan ciidanka itoobiya, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Itoobiya ee Gobalka Bay iyo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.