Wiil Soomaali ah oo saameyn xoogan ku yeeshay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka

Iyadoo maalintii shalay 20-ka Jun 2019 ku beegneyd maalinta qaxootiga adduunka oo looga dabaal degay dalalka caalamka intiisa badan waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay marxaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin dadka dalalkooda uga qaxaya dagaallada iyo duruufaha kale ee khuseeya noloshooda.

Dalka Soomaaliya oo isagu safka hore uga jira dalalka ay ragaadiyeen dagaallada sokeeye iyo burburka kaabayaashii bulshada muddo ku dhow 30-sano ayaa dadkiisa qaxooti ku noqday dalalka caalamka marka loo dhigo qeyb ahaan.

Kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku sugnaa xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ayaa nasiib u yeeshay in loo qaado dalalka caalamka oo Mareykanka ugu weyn yahay, hase yeeshee xisbiga Dimoqoraadiga oo si xoogan uga horjeeda fikradaha maamulka Madaxweyne Donald Trump waxay ka faa’iideysteen go’aanka Xisbiga Jamhuuriga ee haya talada dalkaasi uu ka taagan yahay arrimaha soo galootida.

Bernie sanders oo jagada dalka Mareykanka kula tartamay Trump ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa ka soo muuqday wiil Soomaali ah oo qiso murugo kala kulmay qaxootinimadiisii min Muqdisho ilaa iyo dalka Mareykanka.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Abshir Omar ayaa sheegaya in Muqdisho uu ka ambabaxay xilli ay ka socdeen dagaallada sokeeye, isagoona sheegaya inuu galay mid ka mid ah xerooyinka qaxootiga dalka Kenya.

“Dagaalladii sokeeye xilli ay socdeen ayaan dalkeyga ka soo baxay, ma jirin xarun caafimaad iyo mid lagu gargaarayo dadka dhibaateysan” ayuu yiri Abshir Omar oo sheegay in hadana marxalado kale oo dhibaatadooda leh kula kulmay xeryaha qaxootiga.

Muuqaalka Abshir Omar Mohamed ayaa warbaahinta dalka Mareykanka siyaabo kala duwan u falanqeeyeen, inkastoo aanu meesha ka marneyn inuu qeyb ka noqday dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga isla markaana dalkaasi ay ka bilaabmeen ololaha doorashooyinka madaxtinimada dalkaasi.

Jabril M. Nor (Jabra)
Email: saxafi37@gmail.com