Amar la dul-dhigay Shacabka Magalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho  Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Amar dul-dhigay Shacabka iyo Ganacstada ku nool Gobobolkan Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa Shacabka iyo Ganacsatada Muqdisho ku amray in inta lagu guda jiro Maalmaha todobaadka xurriyada ee 26 June iyo 1-da Luulyo  in Gurayaha la rinjiyeeyo sidoo kale goobaha Ganacsi lagu dhejiyo Calanka Soomaaliya.
Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa sheegay in Magacaabay guddi ka Shaqeeya Maalmaha xurriyada,kuwaas oo la Shaqeyn doona Guddi heer Wasiiro ah oo uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Soomaaliya ayaa xilligaan looga diyaar garoobayaa Maalmaah xurriyada,sida 26 June oo ku aadan Maalintii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska iyo 1-da Luulyo oo ku beegan Maalintii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi.