Sheekh Cali Dheere: “Falalka ceynkaan ah dadka sameeyay oo sheeganaya inay yihiin…”

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud oo ka mid ah culimaa’udiinka caanka ah ayaa si kulul uga hadlay qarax maalinimadii dorraad aheyd ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo galaaftay nolosha dad tiradoodu gaareyso 11-ruux kuna dhaawacmeen 41-qof, waxaana isagoo ku sugan masjid qasaare xoogan ka soo gaaray qaraxaasi si cad u sheegay in kuwii falkaasi ka dambeeyay aanay raad ku laheyn diinta Islaamka.

“Falalka ceynkaan ah dadka sameeyay oo sheeganaya inay yihiin mujaahidiin, hade ruux mujaahid ah ma dad masaakiin ah ayow laayaa, ma dad abriyad ah ayow dilaa?” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha xurmada leh ay yihiin goobaha lagu cibaadeysto taasina uu Alle ka xarimay bani’aadamka, wuxuuna Sheekha isweydiiyay cida ka dulmi badan ruuxii ku xadgudbay masaajid.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed dadkii waxyeelada ka soo gaaray qaraxaasi, isagoona sheegay in falka noocaan ahi aanay sameyn karin xitaa dadka gaalada ah.

“Qoladii sameysay falkaan inay iyagana is dilaan xoolahana ay baabi’iyaan, masaajidana ay baaba’shaan ee ay sheegtaan diimaan ku taaganahay waan uga nasiixeyneynaa hana iska daayaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen dhallinyaro badan, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inay ku hareen kuwo juhalo ah.