Qandho jebiye loo helay heshiiska Madaxda Soomaalida (Warbixin)

Khilaafka madaxda Soomaalida ee Dowladda dhexe ee federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira oo soo bilowday xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagana joogo muddo ka badan 4-sano wuxuu marba marka ka dambeysa sii yeelanayay wejiyo kale.

Sida aan la wada socono khilaafkaasi sida ay sheegaan madaxda labada dhinac ee midba kan kale ku eedeynayo inuu isagu ku xadgudbayo dastuurka KMG ah ee dalka iyo waxyaabihii lagu heshiiyo, hase yeeshee xaaladdu waxay ka sii dartay markii dalal shisheeye oo dano kala duwan ka leh Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya khilaafka ay isku dayeen inay xagta mariyaan mataaladda dowladda federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka ay qaadeen dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa faragelin aan weli horay loo arag waxay ku hayaan dalka Soomaaliya, waxaana ugu waaweynaa ficillada ay ku dhaqaaqeen iyagoo dhaqaale ku bixiyay xasilooni darrada dalka isla markaana soo dhoweystay siyaasiyiinta iyo madaxda mucaaradka.

Dowladda Kenya ayaa wadda cadaadis ay xukuumadda Soomaaliya ku saareyso inay dib uga laabato kiiska dacwadda Badda ee yaala maxkamadda ICJ, iyadoo dalkeeda ka mamnuucday inay ku safraan amaba dalkaasi tagaan madaxda Soomaalida, tiiyo taasi bedelkeeda isu muujineysa inuu khilaaf kala dhaxeeyo koox gaar ah oo ay ula jeedaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay casuumaad u fidisay kooxaha khilaafku kala dhaxeeyo Dowladda.

Arrintu si kastaba ha ahaatee shirkii magaalada Garowe ku dhex maray madaxda Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo fashil ku dhammaaday kaddib markii la isku fahmi waayay qodobo ka mid ah ajandaha laga wadahadlayay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka qaabka ay u dhacayaan, qeybsiga kheyraadka dalka.

Khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeya labada dhinac runtii ma aha mid salka ku haya danaha dal muddo 28sano ka burburay dhinac kastaba ee waa dano gaar ah taasi oo ay horseed ka yihiin madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka oo iyagu aaminsan in la’aantood aanay waxba qaban karin dowladda dhexe sidaasi darteedna iyaga lagala tashto howl kasta oo dowladda u madax bannaan tahay.

Madaxda Dowladda Federaalka qudhooda kama marna qeyb ka ahaanshaha khilaafka kala dhaxeeya madaxweynayaasha maamul goboleedyada tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhaba, taasi oo maamullada gelisay welwel iyo cabsi hor leh una arkay in dowladda dhexe duullaan ku tahay arrimahooda.

Haddaba qandho jebiyaha loo helay heshiis dhex mara madaxda Soomaalida ayaa noqonaya mid ay dhegahaadu maqli doonaan maalmaha fooda nagu soo haya, waxayna ilo wareedyada lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu socdo qorsheyaal looga gudbayo wixii khilaaf ahaa ee dhexdooda ka jiray.

Madaxda maamul goboleedyada Jubaland, Puntland iyo Galmudug oo ku soo haray isbaheysiga ka dhanka ah Dowladda dhexe kaddib markii ay isaga baxeen Hirshabelle iyo K/Galbeed ayaa xildhibaannada laga soo doorto goboladaasi ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka waxay dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka.

Waxyaabaha soo dedejiyay mideynta madaxda Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah faragelinta dalalka shisheeye ee iyaguba aan heshiiska ku aheyn sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen howlaha shidaalka ee Soomaaliya.

In Soomaaliya la soo baxdo kheyraadka dalkeeda waxaa maanta cadaatay inay jiraan dowlado deris la ah iyo kuwo ka fogba oo aan dooneynin arrintaas, hase yeeshee xeel dheerayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa ishaaray inaysa taasi hor istaagi karin khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada.

Ugu dambeyn waxaan idinla wadaagi doonaa hadba wixii ku soo kordha mowjadaha isbedelka siyaasadeed ee haatan weli si rasmi ah u soo shaac bixin, hase yeeshee suuragal noqon karto in xaaladdu isbedesho kahor doorashooyinka ka dhacaya dhowaan gobolada Jubaland iyo Galmudug.

Waxaa Diyaariyay: Jabril M. Nor (Jabra)
saxafi37@gmail.com