Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabis Sameeyay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Waxaan Eebe uga baryaynaa inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isbedello uu ku sameeyay maamulka Madaxtooyadda Soomaaliya.
Dhawaan ayay aheyd markii xilka ka qaaday Agaasimihii Madaxtooyada islamarkaana uu Magacaabay mid cusub.