Al-Shabaab oo xalay weerartay Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin Duleedka Muqdisho.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdisho.

Weerarku wuxuu ka dhacay Xaafada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha, maadaama halkaasi saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidanka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Dadka degan Deegaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wararku waxay sheegayaan inuu khasaaro ka dhaashay weerarkii lagu qaaday Ciidamada AMISOM, inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Ciidamada AMISOM midna.