Waa baaq aan u jeedinayo Dowlad Goboleedka PuntLand iyo Dowladda Federalka iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed

Daawo Magaalada Caluula Oo Badu Soo Gashay Iyadoona Khasaaro Ugeesatay Guryo Dad Danyar Ah Daganaayeen iyo goobo ganacsi.Gardafuu Media

Posted by Gardafuu Media on Sunday, June 16, 2019

Aad iyo aad ayee u naxdin badan tahay in ay kuugu soo furmaan xaalado kaa awood badan oo aad waxba ka qaban karin, qayla dhaankii kaa soo yeerayna dhagaha laga xirtay.
Markaad mas’uul tahay waajib ayaa ku saaran, dhagahaada waa in ay wax maqlaan, indhahaaduna wax arkaan, garashaduna miisaami karto sida ay xaaladaha u kala daran yihiin ama u kala culus badan yihiin.
Xaaladda ka jirta magaalada Caluula waa mid culayskeeda leh oo aan waxba laga qaban karin madaama ay la xiriirto isbedelka cimilada oo sanadahaan ugu dambeeyay saameen xoog ku yeeshay aduunkoo idil.

Dhibaatada ka jirto magaalada Caluula waa tan aad ka arki kartaan vidowga, shacabka halkaa ku noolna aysan awood u lahayn in ay wax ka qabtaan.
Waa nasiib darro in maamulkii PuntLand uu madax ka ahaa C/Wali Gaas uusan waxba ka qaban, dhegaha iyo indhahana ka ootay cabashadii ka soo yeertay shacabka ku nool magaalada Caluula.

Waxaan baaq adag u dirayaa in Dowladda PuntLand ee hadda ka jirta aysan iyadana dhagaha iyo indhaha ka xirinin cabashada ka imaanaya magaalada Caluula.
Waxaan rajaynayaa in baaqani uusan meel cidlaa ku dhicin, in shacabka Soomaaliyeed inta waxgaradka ahi ay dhawaaqooda gaarsiiyaan Dowladda PuntLand iyo Dowladda Federalka, iyo dhammaan Maamul Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kale Xildhibaanada, Wasiirada mas’uul kasto iyo muwaadin kasto.

Waa in aan lagu fiirsan xaaladda adag ay ku jiraan shacabka degan Magaalada Caluula.
Waxaan rajaynayaa in Maamulka PuntLand uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu diro khubaro ku soo sameeyo daraasad dheer, soona jeediyaan xalka looga gudbi lahaa xaladaan culus ku korortay muddo dheer Magaalada iyo Shacabka Caluula.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn