Maamulka Soomaaliland oo Albaabada u laabay Xarumaha Tv-Yada Horyaal iyo Eryal

Wararka laga helayo Magalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ay saakay Albaabada u laabeen Xarumaha labada Tv ee Horyaal iyo Eryal ay ku leeyihiin Magalada Hargeysa.

Amarkaan lagu xiray Xarumaha Tv-yada ayaa lagu sheegay in uu kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland,isla markaana la sheegay in lagala laabtay Ruqsadii ogolaansho ee labadaasi Telefishin ku Shaqeynayeen.

Sababta ka dambeysa arrintaan ayaa lagu sheegay in Wasaaradda warfaafinta Soomaaliland ay Tv-yadaan ku eedeysay inay faraha la galeen arrimo ku saabsan Ciidamada kala duwan ee Maamulka Soomaaliland .

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Mas’uuliyiinta Xarumaha tv-yada Horyaal iyo eryal ee Magalada Hargeysa looga yeeray Xarunta CIDA-da ee Magalada Hargeysa.

Si kastaba qaar ka mid ah wariyeyaasha Madaxa banana ee ka howlgalla Magalada Hargeysa iyo guud ahaan soomaaliland ayaa aad u cambaareeyay tallaabadaan saakay albaabada la isugu laabay Xarumaha tv-yada Horyaal iyo eryal ay ku leeyihiin Magalada Hargeysa.