Dagaal ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo Khasaaro ka dhashay.

Laba askari oo ka wada tirsan Ciidamada Soomaaliland ayaa isku rasaaseeyay Xaafada Maxamed Mooge oo ka tirsan Magalada hargeysa,waxaana ay is rasaaseynta sababtay in mid ka mid ah askarta uu geeriyoodo.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in labada askari ay isku heysteen dhul ay xukuumadda siisay ciidamada oo ku yaalla meel u dhow Xarunta xanaanada TB-da ee Xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kadib markii ay dhulkaasi isku qabsadeen. Mid ka mid ah Askarta dagaallantay oo Magaciisa lagu soo koobay ina Daadeeys ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaastii ay isku rideen, isaga iyo askariga kale ee la dagaalamay.

Askariga dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Dacar,waxaana uu isaga baxsaday halkii uu ku dilay Askariga kale ee ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Booliska Somaliland,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Magalada Hargeysa.

Dhanka kale laamaha Amniga iyo saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa weli kama hadlin askarta isku rasaaseysay Magalada hargeysa ee sababta in mid ka mid ah askartaas uu geeriyoodo,waxaana Maanta aad u hadal haaya Shacabka ku nool Magalada Hargeysa.