Ciidanka Liyuu Boolis oo Shacab ku laayay Qabridahar

Ciidanka Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee Liyuu Boolis ayaa dad Shacab ah ku dilay degaanka Qabridahar.
Dilalka Shacabka ayaa ee Ciidanka ay geysanayaan ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay.

Dad uu ku jiro Ganacsade Sayid Daahir Sheekh ayaa maanta ay Ciidanka Liyuu boolisku ku dileen Deegaanka Qabridahar.

Wali lama aasin Marxuumka waxaana Arinkiisana  soo dhexgashay Safaarada Norway maadaama uu dhalasho Norway watay.

Qabridahare waxaa sidoo kale gaaray Hogaanka Nabadgelyada Cabdi Caadil iyo wasiiro Dowlad Deegaanka ka socda.