17-xisbi siyaasadeed oo ka digay khatarta cudurka Ebola iyo qodobo khuseeya xaaladda dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen ilaa 17-xisbi siyaasadeed, kuwaasi oo ka wadahadlay guud ahaan xaaladda dalku marayo, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bulshada, caafimaadka, siyaasadda, heshiis dhex mara Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Warmurtiyeedka oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xarunta Muqdisho ee shabakadaan ayaa u qornaa sidan:-

JAMHUURIYADDA FEDERAaLKA SOOMAALIYA

WAR MURTIYEEDKA
SHIRKA AXSAABTA SIYAASADDA SOOMAALIYA

Date:18/06/2019
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 jun 2019, waxaa shir ballaaran ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Midnimo Qaran qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka kuwaasoo ka arrinsanayey xaaladda uu dalka ku jiro.
Dood iyo falanqayn dheer kadib, Axsaabta ka soo qayb gashay shirka waxay isla garteen qodobadan soo socda:
Axsaabtu waxay Soo dhaweeyeen shirkii qurbo joogta ee ka dhacay dalka Turkiga, sidoo kale xisbiyadu waxay ku baaqayaan in shirarka noocaas ah dalka gudihiisa lagu qabto si Looga faa’ideeyo dhagaalaha dalka .
Xisbiyadu waxay aad u dhaleeceeynayaan ,kana tacsiyeeynayaan dilalkii ka dhacay Gaalkacy, Dhuusamareeb iyo Baladwayne kuwaas oo ka soo horjeeda diinteena islaamka, waxaana ku baaqaynaa in sharciga la horkeeno cidii ka danbaysay, falalkaas guracan.
Xisbiyadu waxaa kale oo ay ku baaqayaan in dowlada iyo iyo maamulgobaleedyada wax ka qabtaan dilaka qorshaysan ee ka dhacaaya meelaha kala duwan ee dalka.
Xisbiyadu waxay xukuumadda ugu baaqayaan in ay dhigto gogolo ay ku wada hadlaan dowladda dhaxe iyo maamul goboleedyada dalka si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Xisbiyadu waxay soo jeedinayaan in xukuumaddu ay ka qaybgaliso qaybaha kala duwan ee bulshada aayo katalinta dalka.
Axsaabtu waxay uqu baaqayaan xukuumadda gaar ahaaan wasaradda caafimaadka in ay muujiso foojignaan xoogan si looga hortago cudurka halista ah ee EPOLA.
Xisbiyadu waxay golaha shacabka ugu baaqayaan in ay ka gutaan waajibaadkooda Qaran sharciga doorishooyinka ee hor yaala ayna dadejiyaan meel marintiisa.
Hay’ada Amniga ee dalka waxaan ugu baaqaynaa in isbadel lagu sameeyo sugidda amniga caasimadda, dadwaynahna loo furo wadoyinka muhiimka u ah isu socodka bulshada.
Waxaaan ugu baaqaynaa xukuumadda in ay qaado meelaha ay ka jirto xayiraada sida: Marko. Magacyada Xisbiyada ka soo qaybgalay shirka.

1 – Xisbiga midnimo Qaran
2 – Xisbiga Garsoor.
3 – Xisbiga NDP
4 – Xisbiga Umadda
5 – Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed
6 – Xisbiga Hormarinta
7 – Xisbiga Samu
8 – Xisbiga Dadka
10 – Xisbiga Xal Qaran
11 – Xisbiga Muwadininta
12 – Xisbiga Ilays
13– Xisbiga Sinaanta Midnamada Nabada
14 – Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed
15 – Xisbiga Uhiili Dadkaga
16-Xisbiga Nabada Midnimada Iyo Dimoqraadiyada

17-Xisbiga Haldoor

DHAMAAD
WABILLAAHI TOWFIIQ