Waqtiga la dhageysanayo Racfaanka Dacwada kiiskii Caaisho ilyaas oo la shaaciyay

Warkan ayaa lagu sheegay in 22-ka Bishan June oo ah Gudaha todobaadka soo socda la dhageysan doono dacwada racfaanka kiiskii Caaishi Ilyaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen saddex eedeysane oo falkaasi lo xukumay.

12-kii bishii May ee sannadkan 2019 ayaa Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex Ruux oo lagu eedeeyey kufsiga iyo dilka Caaisho ilyaas,hayeeshee racfaan ay ka qaateen dib markale Maxkamad loo horkeeni doono.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magalada Gaalkacyo Bishii Febaraayo ee sanadkaan loogu geystay Caaisho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 jir ah.