MAQAAL: MUXUU YAHAY KAARKA DHIMMAN?

Inta badan Shacabkeenu dhacdooyinka siyaasadeed iyo is badellada ku yimaada nidaamka dowladnimo wax iskama weydiiyaan, kama bartaan umana kuur galaan.

Waxaanaan wali wax iska weydiin isbadalada rasmiga ah ee dowladnimo ee dalka iyo mid walba sidda ay ku timid, gaar ahaan, madaxdii dalka soo martay tan iyo shirkii Mbagathi ee duleedka Nairobi, 2004 -tii.

Aniga oo aan qoraalka idinku dheereeynayn bal aan abbaaro sidii ay cod-bixiyeyaasha (Xildhibaanada) isaga gadeen iyo kaararkii ay isticmaaleen, anoo ku bilaabaya Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Dalka oo burbur baahsan soo mary, dagaalkii sokeeye oo hoos usii fur-furtayna weli raadkiisii qoyanaa, mudana qab-qableyaal dagaal ay hortaagnaayeen dowladnimada ayaa laysugu tagey Eldoret, Kenya sanadkii 2003-dii, kadib culays iyo cadaadis badan oo ku yimid dowladdii lagu soo dhisay Carta, Djibouti 2000.

1. Mudo kadib, markii shirka loo soo wareejiyey Mbagathi, duleedka Nairobi, waxaa la galay doorasho uu ku guuleysatay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Intii ku gadaannayd arrimaha Soomaaliya iyo xildhibaannadii berigaas, waxay Cabdullaahi u arkayeen nin khibrad ciidanleh muddana jamahad soo ahaa, isla markaasna fahmayey wadciga markaas jiray, qab-qableyaashana af garankaray si kasta oo ay noqotaba, sidaas dartewdna ay habnoonayd in marxaladda markaas jirtay looga gudbo, laguna dhaqangaliyo nidaamkii KMG ahaa ee markaa u bilaabanayey Soomaaliya. Sidaas darteed, Cabdullaahi wuxuu tartameyaashij kale kaga guuleystay in uu ahaa nin Ciidaan ah, maamulyaqaan ah, aad u fahansan wadciga jiray, hub ka dhigis sameyn kara isla markaana qibraddiisa militari dalka ku badbaadin karra. Waxa uu ku guuleystay Shaatiga Qabiir Ciidan.

2: Waxaa ku xigey oo asna oo dalka loo doortey Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Djibouti 2009-kii.

Wuxuu kaga gadisanaa musharixiinta la tartameeysay inuu ahaa hogaamiye diimeed, kacdoonkii Maxkamaduhu ka dhasheen soo maamuley. Waxaa lagu tuhmaayey inuu ahaa shaqsi diinta iyo wadaadnimadda ka muuqata lagu dooran karay. Way u socotay laguna doortay.

Shiikh Shariif wuxuu isticmaaley kaarkii wadaadnimada iyo inuu yahay shaqsi cadaalad diin iyo wanaag dalka ku dhaqaya taasoo keentey inuu kaga guuleysto musharixiintii kale kursiga.

3: Doorashaddii Madaxweynanimo ee loo tartamaayey 2012 -kii waxaa ku guuleystay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamamuud.

Wuxuu isyicmaalay kaarka Qoran joognimo (Qorrax joognimo) uuna ahaa shakhsi aa dalka ka bixin marxaladihii la soo mareyna goob joog u ahaa, isla mar ahaantaasna og xaalka dadka iyo kalku ku suganyahay.

Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu kaga guuleystay intii kale oo tartanka kula jirtey kaarka Qorrax joognimada.

4: Hadda waxaa talada dalka haya Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo horay u soo noqday Ra”iisul Wasaare.
Wuxuu ahaa nin loo arkayey in uu dan Soomaaliyeed ka shaqaynayo balse loo diiday fursad laguna saaray wixii la oranjiray Kampala Accord. Dhacdadaas kadib, waxa uu degey quluubta shacabka. Waa loo bannaanbaxey, wuxuuna noqdey hogaamiyaha Shacabka..

Wuxuu si toos ah u isticmaaley kaarka Wadani loo gefay, nacab shisheeyana isu kaashadeen.

Dalka oo dhan ayaa laga taageerey taasina waxay keentey inuu tartamayaashii kale uga guuleysto kursiga asagoo isticmaalaya kaarka waddani samata bixiye ah.

Suaash aan idin weeydiinaayo waxay tahay, anigoo ag in dowladda hada jirta aysan wali wakhtigeedii dhammaysan, ma jiraa intaas oo Madaxweyne oo kaararkaas oo dhan isticmaaley mid ku guuleystay barnaamijkii uu la yimid iyo wixii uu isku gaday?

Maxaa ka baajiyey hirgalinta qorshihii uu la yinid?

Muxuu noqon doonaa kaararkan kaarka xiga oo lagula tartami doono Madaxweyne Farmaajo yaasa taagan doona kaarkaas?

Aniga aragtidayda ku aaddan kaarka soo socda wii sida tan:

5: Waa hogaamiye dowladaha Carabta iyo deriska dan gaar ah saaxiib kula, mase garanayno in kaarkaas u meel mari doono iyo in kale maadaama ummadda Soomaaliyeed ay hor u kac iyo dowladnimo dooneyso.

Akhriste muxuu yahay kaarka haray?

Cali Yaasiin Gurbe