ISKA JIR HEE!!!

Wax aad jeceshahay oo aad u baahan tahay oo aad u diiday Waalidkaa, Walaalahaa, Owlaadaada & Xaaskaaga.

In aad siiso Cadawgaaga ma jeclaan leheyd? Taasi waa dhacdaa iska jir.

Miisaankaaga Qiyaamaha oo Xasanaadkaagu batay oo dhinaca Jannada aad u dhawaatay, in Qeyb Xasanaadkaaga ah lagaa siiyo Qof aad Aduunyada Ku necbeyd oo aad Dambi Ka gashay,ma jeclaan leheyd?

sidaana Miisaankaagu hoos ugu dhaco. wixii aad waalidkaa u diiday adna aad Ka qaday in la siiyo Cadawgaaga. Sidaasna aad Cadaab Ku muteysato.

Iska jirhee, Dulmigu ma fiicno, yuuna Ku Xasanaad Turin , adigoon dib u tacbi Karin Xasanaad kale.

Alloow, Miisaankeena iyo Kan waalidkeen khaykiisa hanaga nusqaamin. Aamiin.

Waa iga tallo.

Qore: Yahya Amir