Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo cambaareynaya falkaasi ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqanka…

Bismillahi

Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed la wadaagaya murugada mashaqadii ka dhacdey magaalada Gaalkacyo, ee xarunta Mudug, aniga oo cambaareynaya falkaasi ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Waxaan ka rajeynayaa dowlad goboleedka Galmudug inay cadaaladda marsiiso cid kasta oo falkaasi foosha xun ku dhaqaaqdey.

In walaalo Soomaaliyeed loo dilo qof Alshabaab ah dhib uu geystey waa wax aan la aqbali karin, waxaana la wadaagayaa tacsida guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaana leeyahay ilaahay ha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo.

BismillahiWaxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed la wadaagaya murugada mashaqadii ka dhacdey magaalada Gaalkacyo, ee…

Posted by Sharif Sheikh Ahmed on Saturday, June 15, 2019