Madaxweynaha dalka Iran Hasan Ruhani ayaa si kulul ugu hadlay qorshaha Mareykanka

Madaxweynaha dalka Iran Hasan Ruhani ayaa si kulul ugu hadlay qorshaha uu wato dalka Mareekanka uuna doonayo in uu dalkiisa ka abuuro qalalase dagaal iyo xasilooni daro iyo in uu abuuro dagaalo gacanka cadmeyd ayna muhiim u tahay marinka wadamada carbeyd.

Ruhani ayaa sidoo kale sheegay weeraradii 2 marakab ee xamuulka qaada in ay ahaayeen qorsho ay doonayaan ciidamada Nato ee ku sugan biyaha haasi istarajitiyada ah.

Marka falkaasi uu dhacayay waxaa goobtaasi ka dhowaay cidamada bada Nato sida Engiriiska, Mareekanka iyo cidamada Norwejiyaan.

Hogaamiyaha Iran Hasan Ruhani ayaa sidoo kale sheegay in qeyb ka tahay qorshahan duulaanka ah ee wadan Iran oo ayna dooneyso in dalka Iran la galiyo qalaase dagaal.

Furitaankii shirkaasi ayuu khudbadii uu halkaasi kasoo jeediyey Madaxweynaha Iran ku sheegay in Maraykanka uu si cad ugu bareeray inuu dagaal ka abuuro Bariga Dhexe.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Ciidamada Jamhuuriga IRAN inay ka danbeeyeen weerarkii lagu qarxiyey labadan Markab oo kusii jeeday dalalka Singapore iyo Taiwan.

Waxayna Militariga Maraykanka shaaciyeen filim ay ku tilmaameen inuu muujinayo ciidamada Iran oo mid ka mid ah Maraakiibta la qarxiyey ka furaya waxay ugu yeereen miino qarxi weyday, balse muuqaalkaasi ayaa ah mid aan weli si madaxbanaan loo xaqiijin.

Muuqaalada ay soo bandhiganyan sirdoonka Marekanka ayaa waxaa ay jumhuuriyada Iran ku tilmantay waddo la doonayo in loo soo maro dalkeeda ayna marnaba ogalaan doonin gardaro ka timaado xulufada ay hor kacaayaan Mareekanka.

Shacabka Iran ayaa waxaa ay tageero buuxdo umuujiyeen xukuumadooda sida ay ka hadshay gardarada ay wadan mareekanka uuna doonayo in alase buuxda ka buura bariga dhaxe iyo daganasho la aan

W/Q/ Bashiir jiidaal baroow