Faahfaahin Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban.

Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaam Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dad ku sugna goobtaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaare isugu jira iyo dhimasho iyo dhaawac.

Goobtaan ayaa horay dhowr jeer loo Qarxiyay, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay ku qaadeen Weerar toos ah.

Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay  agagaarka KM4 , waxaana loo adeegsaday  gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas.