Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Cambaareesey dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayey Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa sheegay in falkaasi uu yahay Mid naxdin badan, islamarkaana ay baari doonaan sidda ay wax u dhaceen.

Waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono Cidii ka dambeysay falkaasi, islamarkaana maamulka Galmudug uu ugu baaqayo in ay gacanta kusoo dhiggaan dambiliyeyaasha.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa Risaala u sheegay in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug, islamarkaana dadka degaanka ay ceyradeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa.