War Naar talefon ma jiree, inta aad Aduunka joogto is xisaabi =Nasashada Jimcaha.Q-152aad=

1- Wiil Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Hooyadii ku yiri: Hooyo Dhagtaa i xanuunee ee Farmashiyaha Daawo iiga soo gad. Hooyadii ayaa ku tiri: war doqon yohoow Sababta ma taqaan?, Sow kumaan oran, ha dhageysan wacdiga sheikh Reer hebel, oo ha dhageeysan Idaacadda Reer hebel, ilma Adeeradaa kaliya wax ka dhageyso. Wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo Soow Shiikhuba Abtigeey ma ahan. Hooyadii ayaa ku tiri: Soow Labada Reer Colaadi kama dhexeeyso.

(Gaalkacyo, Qabyaaladii maka Dhamaatay?)

2-Nin Qurbaha ka yimid oo Shaqadii uu soo doontay waayay, ayaa Dusha u fuulay Dhismo dheer oo waddada Howlwadaag ku yaal, waxa uuna isku diyaariyay in uu iska soo tuuro. Dadkii waddada taagnaa ayaa ku qeyliyay ,Ha isa soo tuurun, Anagaa kuu xalineyno dhibaatada ku heeysato, waxa uu ku adkeystay in uu isa soo tuurayo.

Asgari Police-ka Taraafiga ah oo shaqada ku cusub oo meesha taagnaa ayaa yiri: war dhaqsi u soo bood Baabuurta ha naga Xayirine..Kii Qurba Jooga ahaa ayaa yiri: waanba isaga soo degayaa, meel Asgarigeeduba uunan Garaneyn Xuuquuqul insaanka. ( F.S: 1aad)

(Walaalayaaloow ha is daldalina, Dalkan iyo kaad ka timideenba xuquuqul insaanka, qofba si ayuu u yaqaan, Adinku ma fahamteen Xuquuqul Qorax joog)

3- Nin waalan ayaa la weydiiyay khamriga ma cabtaa, waxa uu yiri: Maya. Waxaa la weeydiiyay Sababta, waxa uu yiri: Dadka caadiga ahi marka ey cabaan ayey Anniga oo kale noqdaan. Annigu haddaan cabo sideen noqonayaa?.

( Nin shaqaalaa oo 10 Dollar xaday ayaa ku xanuunsaday, dhakhtarkii ayaa markii uu daaweeyay ku yiri: mar kale ma xadee? Waxa uu yiri: 10 Dollar ayaan saan ku noqday ee kan 10 Millian Xaday siduu noqonaa Datoore, Dhakhtarkii ayaa ku yiri: kuwaa badanaa nalooma keeno)

4-Rober Mugabi ayaa yiri: Raggu waxa ey wax ka Qiimeeyaan Araga, taasina waa sababta Dumarku ey isku Qurxiyaan ( Makeup). Dumarku waxa ey wax ku Qiimeeyaan Maqalka,waana taa Sababta ey Raggu Beenta ugu Sheegaan. Waxaa wareer Jiraa marka ey Runtu Timaad, makeup-ku dhamaado, Beentiina laga daba tago. ( F.S: 2aad)

( Mujtamacu waxa uu ka koobmaa Rag iyo Dumar, Siyaasigu waxa uu u sheegaa marka hore Been, waxaa wareer Jiraa Marka Runtu Timaad ee la ogoodo Qofka uu ahaa Dhab ahaan ee Makeup-ka Siyaasaddu dhamaado,wajigii Runta ahaana la arako)

5- Afar Nin ayaa Naarta ku wada jiray. Taliye Ciidan, Guoomiye Maxkamadeed, Madaxweyne Maamul Gobal iyo Gudoomiye Baarlamaan. Waxa ey codsadeen in Mid waliba uu u yeero Asaxaabadiis si uu ugu sheego Xanuunka Cadaabta . Sheeydaan kula jiray Naarta ayaa u qeybiyay Khadka. Gudoomiyihii Maxkamadda ayaa weydiistay in uu la hadlo Xeer ilaaliyayaashii, waxaa laga qaaday 200 Dollar, Madaxweynihii Maamul Gobaleedka, ayaa la hadlay wasiiradiisii, waxaa laga Qaaday 100 Dollar. Taliyihii ayaa wacay Ciidankiisii , waxaa laga Qaaday 50 Dollar, Gudoomiyihii Baarlamaanka ayaa wacay Xildhibaanadiisii, wax lacag ah lagama Qaadin.

Seddaxdii kale oo Cadaalad daro tirsanee, ayaa yiri: Annaga maxaad nooga qaaday Lacagta kanna aad uga dhaaftay. Sheeydaankii ayaa yiri: Adinku waxaad isticmaasheen “International Call” Saaxibadiin qaarbaa Jannada jiro. Laakin isagu waxa uu isticmaalay “Local Call” Xildhibaanada intii uu jeclaa halkaan ayey wada joogaan Dhaar iyo Mooshin ayey sababsadeen, waxa eyna hayeen Masuuliyad heer Qaran ah). ( F.S: 3aad)

(War Naar talefon ma jiree, inta aad Aduunka joogto is xisaabi )

6- Nin ayaa waxa uu dhibsaday Xaaskiisa Saaxiibteed, oo mar kasta Gurigiisa Joogto, kana mashquuliso Xaaskiisa. Xaaska ayaa mar kasta ku tiraa: Anniga iyo Saaxiibteey Naftaa noo dhexeeyso, weligeynana kala Hari meeyno.

Qaab uu u kala reebo ayuu ka fekeray, Maalintii Dambe isaga oo Safar ka soo noqday, ayuu Saaxiibadii Xaaskiisa, u keenay Hadiyad ka qaalisan tan uu Xaaskiisa u keenay. Saaxiibadii Maalin dambe Gurigii laguma arag. ( F.S: 4aad)

( Dumaroow, Saaxiibadaa yeeyna kaaga shakin Ninkeeda, inta kale yeelkadeed)

Qore: Yahya Amir