Nin soomaali ah oo kamid ah sadexda qof ee wasiirkii kaluumeysiga ku eedeeyay inuu la galmooday

Waxaa maalmahan maxkamada Nord-Troms ka socotay dhageysiga dacwad ka dhan ah wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, ahaana xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway iyo xisbiga Høyre, Svein Ludvigsen.

Svein oo sidoo kale ahaa gudoomiyaha gobolka Troms, ayaa ku eedeysan inuu ka faa’iideystay booskiisa shaqo, isla markaana uu galmo la sameeyay sadex dhalinyaro qoxooti ahaa. Isaga oo ugu sheekeeyay inuu ka caawin karo helista sharciga magangalyada iyo qaadashada dhalashada Norway.

Nin soomaali ah oo kamid ah sadexda qof:

Shaley oo lagu jiray dhageysiga labaad ee kiiska dacwada, waxaa hoolka maxkamada Nord-Troms kasoo muuqday nin soomaali ah oo hada da´diisu ay tahay 34 sano. Kaas oo kamid ahaa sadexda qof ee wasiirka ku eedeeyay inuu la galmooday, uguna sheekeeyay inuu caawin doono.

Wuxuuna shaley maxkamada horteeda ka sharaxay qaabka uu ninkan u khiyaanay, isaga oo ku sameeyay galmo. Wuxuuna sharaxay in wasiirku uu u balanqaaday inuu la kulansiin doono reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg, si uu uga caawiyo helista sharciga magangalyada.

Ninkan soomaaliga ah ayaa sheegay in xagaagii 2014 ay is barteen Ludvig, isaga oo xiligaas ahaa qof magangalyo doon ah, oo aan wali helin jawaabta codsiga magangalyada oo sanado dhowr ah ka maqneyd.

Uuna isku baray inuu yahay qof ka caawin karo helista sharciga magangalyada, helista guri uu dago iyo waliba shaqo. Sidoo kalena uu la kulan siin doono reysulwasaare Erna Solberg, uuna ka caawin doono helista sharciga dhalashada Norway. Maadaama uu yahay xubin katirsan xisbiga Høyre, saaxiibana ay yihiin Solberg, sidoo kale uu awood ku dhex lahaa xisbiga gudihiisa.

https://fiskeribladet.no/nyheter/?artikkel=67485

Xigasho: Norsomnews