Mareykanka oo wacad ku maray inuu sii xoojinayo howgalada Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa wacad ku martay inay sii xoojineyso howgaladeeda Soomaaliya ee ujeedkoodu yahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo sidii looga adkaan lahaa argagixisada.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa hadalkan lagu sheegay kadib markii ay booqasho ku yimaadeen Muqdisho taliyaha taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa, Gen.Thomas Waldhauser, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Dhanka kale Maraykanka ayaa wuxuu Howlgalo uu ku bar timaameedsanaayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya, isagoo duqaymo ku dilay Saraakii Shabaab ah, islamarkaana bur buriyay Baro Kontoraalo oo Shabaabku ku ay ku lahaa Soomaaliya.