Damac iyo Cabsi!! (Maqaal Kooban)

Yaa yaa!!!!. Reer Facebook maanta waxaad Ku waalateen Nin Cad oo Lana Naag Guursaday ?

Qaraabadaada ma fiirisay Meeqa Labo iyo Ka badan guursatay?

(( Adiga Damac miyaa Ku galay, cabsiyuna waa Ku heeysaa?))

Diintaa kuu ogol Labo iyo Ka badan.Laakin Ogoow Shardi aad u adag ayaa lagu xiray. Aayada Qur’aanka ayaa Ku leh:

( Haddii aad Ka baqdaan in aad Cadaalad u sameeyn weeydaan Mid kaliya Ku ekaada)…..” Inta Aad Xaaskaaga Ka cabsan leheyd, Diinta Ka cabso-Caadil noqo”.

Haku daysan Nin Cadaan ah oo horeba u lahaa Hal Xaas iyo Toban Saaxib, ama Guurka Labaad ee Mid Shaqaalaha Xafiiskiisa Cadaalad u sameeyn waayay, mid Dadka uu la ganacsado Cadaalad u samey waayay, Mid Qaraabada Cadaalad u sameeyn waayay. Islaamka Cadaaladda muhim ah.

Been ha sheegin, ma Adigaa cadaalad u sameey karo?. Ad lee waaye. Anigu kugulama jiro, Alife ayaan iska ahaanayaa, illaa inta aan isleeyahay armaadan Cadaalad sameeyn Karin.

Qore: Yahya Amir