Lacalla, Xajanoo Mitir. !!!!

Galabta waxaa Guriga igu Soo booqday, Saaxiibkeey Ismaciil yare oo Cimro Ka yimid.

Si farxad leh ayaan u casiryeeysanay, uguna duceeyay in Cimradiisii ALLA Ka aqbalo. Waxa uu ii sheegay in uu 3 Xaj iyo 5 Cimro uu tagay.

Waxaan weeydiiyay, Saaxiiboow, Runta ii sheeg Shaqadaada waan aqaan. Haddii lacalla, Irida Xajka lagu dhajin lahaa, Qalab ” Scanner” ah oo la yiraa ” Xaj and Cimranoo Mitir”, oo sheegaya Qofka gudbayo halka uu Ka keenay Lacagta uu Ku Soo Cimreeystay.

Mashiinkuna uu Soo qorayo, No, No Cimra, No Xaj – Irjic, Maal xaraam, Noqo, Noqo.

Ma u maleeynee, in lagu Soo celin lahaa. Isaga oo aad u qoslayo ayuu yiri: Alloow Hana ceebeeyn. Casaanbaa ii shidmi lahaa.

Waxaan Ku iri: Aakhira ayuu jiraa Qalab kaa Ka daran oo sheegaya halka aad Ka keentay Xoolaha aad Ku soo Cimreysatay.

Ar Cibaado ma xumee, Tiirarkeeda( Arkaanteeda) ha la iska fiiriyo) intaan Cimranoo mitirku Ku sheegin iska hubi. waa iga talo.

Intii Soo Cimreysatay ALLA ha u aqbalo.

Qore: Yahya Amir