Saraakiishaan ayaa la sheegay inay ka howlgallayeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka,waxaana lagu soo bandhigay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Taliska Guutada 10aad ee qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa SaraakiIsha isa-soo dhiibay Magacyadooda ku kala sheegeen Mustaf Ibraahim Isaaq oo Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sirdoonka & Maxamed Xasan Madhaaleey oo Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada Al-Shabaab ee qeybta Gobolada Jubbooyinka.
Taliyaha Ururka 49aad Guutada 10aad ee qeybta 43aad ee Ciidamada xoogga dalka Dhame Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay in howlgalladii ay maalamahaan ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka ay sababeen in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay i sa -oo dhiibaan.
Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan baaqii cafinta ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isla markaana cid kasta ay soo dhaweynayaan.