Sarkaal Sagaal saac oo habeennimo loo Caleema-Saarey maamulka degmada Warshiikh!!!

Ha moodin inuu inqilaab dhacay, ha malaysan in la sameeyay afgambi aan dhiig-na ku daadan, ha u qaadan in duullaan lagu qabsaday Maamulkii Degmada Warshiikh, dabcan si ka duwan arimahaas ayay wax walba u qabsoomeen, hannaan ku dhisan nabad, farxad, is-jaceyl iyo wanaag wallaaltinimo ayaa loola kala wareegay Maamulka Degmadaasi!

Abaarihii waa Seddexdii galabnimo, dad isugu jira Senatoro, Xildhibaanno, Guddoomiyaal, Saraakiil ciidan, Aqoonayahanno, Culumaa’udiin, Qurba-joog, Saxafiyiin iyo marti sharaf kale ayaa si kalgacal leh uga amba-baxay magaalada Muqdisho, quruxda, udgoonka iyo muuqaalka bilcda-san ee u dhaxeeya deegaanka Ceel-macaan iyo Degmada Warshiikh ayaa dadkaasi si weyn u soo jiitay, waqti yar kadib waxaa si cabsi la’aan ah lagu gaaray halkii loo socday.

Nasasho iyo sheeko dheer kadib waxaan arkay iyada oo saacaddu caga-cagaynayso ku dhawaad Tobankii caweysnimo, hoos ayaan isula hadlay, aniga oo isla shawraya {sheekaysanayo} ayaan is-iri, malaha dib ayaa loo dhigay munaasabaddii caawa lagu balansanaa, aniga oo Riyadaas dhex dabaalanayo ayaa la iigu bishaareeyay in waqti yar kadib ay bilaabanayso xafladdii loo tagay Degamada Warshiikh.

Goobtii nala dajiyay ayaa nagala soo kaxeeyay, Afar luuq kadib waxaa nala dul keenay xarun weyn oo loo magac darey “Buurka” malaha waxay aheyd Villa Soomaaliyada Warshiikh, dhismahaasi oo aad u ballaaranaa ayaa waxaa ku sugnaa madaxdii ka tagtay G/Banadir iyo masuulyiin ka timid Dawlad Goboleedka Hirshabeelle, daqiiqado kadib waxaa si wadajir ah loogu lugeeyay halkii loo qorsheeyay in lagu qabto munaasabadda xil wareejinta.

Cabaar markii la socday ayaa la tagay xaruntii Degmada, la yaab iyo hal xiraale cusub ayaa halkaasi kal kulmay, waa rumaysan waayay sida xad dhaafka ah ee loo soo camiray xafladaasi, dad aan ku qiyaasay Kumannaan ayaa hortayda ka muuqday, Tobankii habeennnimo oo wehliso Soddon mirir ayay si rasmi ah u bilaabatay munaasabaddaasi, khudbado u badnaa Sagootinta Guddoomiyihii hore iyo Soo-dhaweynta Guddoomiyaha cusub ayaa halkaasi laga soo jeediyay.

Madax ay ka mid ahaayeen Senator Sam-sam Daahir Maxamuud, Xildhibaan C/qaadir Carrabow, Guddoomiyaha G/Sh/Dhexe Axmed Mayre Makaraan Guddoomiyha Balcad Qaasim Cali Nuur, Guddoomiyiihii hore ee Wadajir Axmed Daaci iyo madaxdii kale ee fagaarahaasi ka hadashay ayaa caddeysay inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galka muunasabaddaasi.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Warshiikh Sheikh Cumar Maxamed Cumar {Ahlu -kheyr} iyo Guddoomiyaha Cusub ee Degmadaasi G/Sare Axmed Xuseen {Axmed shiidka} oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay u sii wada sahqeyn lahaayeen.

Shan saac ku dhawaad ayay socotay munaasabaddaasi, abaarihii Saddexdii habeennimo ayuu Guddoomiyaha G/Sh/Dhexe xilka u kala wareejiyay labada Guddoomiye ee isugu jiray midkii la Sagootinayay iyo midkii la Caleema saarayay, dhawr daqiiqadood kadib markii aan ku soo laabtay hoygii aan ka daganaa Degamada Warshiikh waxaa dhagahayga ku soo dhacay Aadaankii Salaadda Subax!

Waa rumaysan waayay sida way wax u dhaceen, la yaab ayay igu noqotay in cabsi la’aan la socon karo Sagaal saac oo habeennimo, runtii reer warshiikh wey ku ammaanan yihiin nabadda ay haystaan balse waxaa faro baas ku hayo bacaadka ka horeeya Degmadooda!

WD:C/Laahi Shiikhaalow